FULL TIME: Arsenal Oo Si Fudud Ku Dhaaftay Blackpool

Kooxda tababare Unai Emery ayaa guul raaxo leh kagaartay Blackpool kulan katirsanaa wareegga seddexaad e FA Cup.

Ciyaartan oo qaybteedi hore lagu kala nastay 2-0 ayaa markii la isku zoo laabtay waxaa guul ku xaqiijistay kooxda Arsenal.

Gunners ayaana goolka seddexaad ka heshay weeraryahankeeda Alex Iwobi kaas oo shabaqa gaaray daqiiqaddii 82-aad ee ciyaarta.

Kulanka ayaana waqtigii loogu talagalay kusoo idlaaday 3-0 oo ah guushu kuraacday kooxda Arsenal.

Guusha wiilasha Unai Emery ayaana kadhigan i  ay wareegga afaraad ee FA Cup ay iska xaadrisay, halkaas oo ay horay u gaareen kooxaha Man United, Spurs, iyo Chelsea.