Fredrick Shisia”Ciidamada dowladda Soomaaliya waan la shaqeyn doonaa”

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay la shaqeyn doonto ciidamada ammaanka dowladda soomaaliya, kuwaa soo ku sugan soohdinta  ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Xilidhibaano ka tirsan dowladda Kenya iyo sidoo kale saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay wada shaqeyn  dhexmarto  ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmooyinka ku yaala xuduuda ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya iyo  ciidanka dowladda Kenya ee ku sugan mandheera.

Gudoomiyaha amaanka Mandera,Fredrick Shisia  ayaa sheegay in dowladda Kenya ay xariir ammaan la yeelan doonto saraakisha amniga ee ku sugan degmooyin ka tirsan gobolka Gedo.

“Waa muhiim inaan ka wadashaqeyno amniga iyo hormarka labada dal waxaad ogaataan in ay taas tahay muhiim ,hadana xiriir amni ayaa naga dhaxeeya  waan sii labada jibaari doonaa” ayuu u sheegay  gudoomiyaha amniga degmada Mandhera warbaahinta  dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa ka mid ah dowladdaha qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ,waxaana ciidamo ay ka joogaan gobolada uu ka arimiyo maamulka Jubbland.