Frank Lampard Oo Ku Faanay In Jiilka Cusub Ee Macalimiinta Ingariiska Inay Qabsanayaan Premier League

Frank Lampard ayaa aaminsan in jiilka cusub ee tababarayaasha Premier League inay marqaati cad u tahay mustaqbalka tababarayaasha Ingariiska.

Ka dib markii Lampard loo magacaabay tababaraha Chelsea isbuucii la soo dhaafay, waxaa haatan horyaalka Premier League tababare ka ah todoba nin oo u dhashay England oo kala ah Dean Smith, Eddie Howe, Graham Potter, Sean Dyche, Roy Hodgson iyo Chris Wilder.

Tababaraha Leicester City ee u dhashay Waqooyiga Ireland Brendan Rodgers ayaa ku noqonaya sideed haddii la xisaabiyo tababarayaasha Britain u dhashay ee horyaalka maamulaha, waxaana ay u muuqataa in Premier League uu ku laabanayo horaantii 90meeyadii markaasoo tababarayaasha ajaaniibta ay aad u yaraayeen.

Tababaraha reer France Faransiiska ee Arsene Wenger ayaa ahaa ajnabigii ugu horeeyay ee qaada horyaalka Premier League markii uu Arsenal la qaaday sannadii 1998.

Xiddigii hore ee Chelsea Frank Lampard ayaa qeyb ka ahaa jiilkii dahabiga ee ciyaartoyda Ingariiska ee bilowgii qarnigaan oo ay ku jireen tababaraha haatan ee Rangers Steven Gerrard, tababaraha Fulham Scott Parker iyo tababaraha xulka gabdhaha England Phil Neville.

Jiilkaas ayaana haatan ku jira dhamaadka da’da 30meeyo ama bilowga 40meeyo, Lampard ayaana aaminsan inay noqon doonaan tababarayaasha mustaqbalka ee horyaalka Premier League isagoo sheegay in faa’idada ay qabaan ay tahay inay la soo shaqeeyeen tababarayaal badan oo waayo arag ah.