Madaxa siyaasadda dibadda ee Midawga Yurub, Federica Mogherini, ayaa sheegtay in Midawga Yurub uu bog cusub oo siyaasadeed la furanayo dalka Iiraan.
Waxay hadalkaas ka jeedisay magaalada Tehran oo ay booqasho ku joogto.
Arrintani waxay imanaysaa kaddib markii quwadaha adduunku ay Iiraan la galeen heshiiskii Nukliyeerka.
Waftiga ay hogaaminayso Mogherini waxay Iiraan kala xaajoon doonaan ganacsiga, tamarta iyo arrimo kale, laakiin waxaa jira walaac iyo is afgaran waa aan banaanka la soo dhigin.
Bangiyada iyo shirkadaha waawayn ee Yurub ayaa wali ka walaacsan in ay maalgashadaan Iiraan, halkaas oo wali ay saarantahay cunaqabatayna Maraykanka oo lala xiriiriyay falal argagixisanimo lagu sheegay iyo su’aalo xuquuqda aadanaha la xiriira.
Intii uu kulankaasi socday madaxwaynaha Iiraan, Xasan Rawxaani ayaa xarunta madaxtooyada ee Ankara wada hadal kula yeeshay yeeshay dhigiisa dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan.
Waxaa la sheegay in ay ka wada hadleen dagaalka Suuriya iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ganacsi ee ay leeyihiin kaas oo ay rajaynayaan in uu gaaro 30 bilyan oo doolar muddo labo sano gudahood ah.