Qiyaastii soddon ilaa afartan kun oo qof ayaa jirkooda ka ganacsada Faransiiska.
Baarlamaanka Faransiiska ayaa ansixiyay sharci cusub oo ka dhigaya sharci daro in dadka jirkooda la iibsado.
Qofkii lagu qabto isagoo iibsanaya jirka dumarka ama raga waxaa lagu ganaaxi karaa ilaa $4,274.
Sharcigan ayaa saamaynaya qiyaastii soddon ilaa afartan kun oo qof oo jirkooda iibasada, dadka badankood ayaa la sheegayaa inay yihiin ajnabi.
Maud Oliver oo taageerayay sharcigan ayaa sheegay inay muhiim tahay in la badalo fikrada laga qabo inay caadi tahay in la iibsado jirka dadka.
Koox jirkooda iibsada ayaa ku banaanbaxay baarlamaanka hortiisa.