DHAGEYSO: Galmudug “Ajaanibtii aan qabanay dowladda ayaan ku wareejin doonaa”

Maamulka Galmudug ayaa shaaciyay dagaalyahano ka tirsan Soomaali iyo Ajaanib oo ay ka qabteen Al-shabaab in ay ku wareejinayaan dowladda federaalka Soomaaliya.

C/laahi Calasow Shiine oo ah wasiiru dowlaha amniga ee Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ee Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay wadaan qorshahaas.

waxa uu sidoo kale tilmaamay in dadkan ajaanibta ah dowladda ay baaritaano ku sameyneyso.

Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa waxa ay weerarku qaadeen deegaanada Puntland iyo waliba Galmudug waxaana ay halkaas dagaalo kula galeen maamuladaas.