DHAGEYSO: Siyaasi Baadiyow “dowladda in ay sameyso waqti kordhin waa qalad”

Siyaasiga C/raxmaan Baadiyow oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay cabsi xoogan ay ka muujinayaan xilligan in dowladda Soomaaliya ay sameyso waqti kordhin maadaama waqtiga dowladda uu ku egyahay bisha 8-aad ee sanadkan 2016-ka.

Waxaana uu sheegay in ay muuqato waqti kororsi ay sameynayso dowladda Soomaaliya oo waqtigeeda uu sii idlaanayo.