Maxay tahay sababta wasiirada ay ugaareen degmada Buula-burde ?

Wasiiro ka tirsan xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay gaareen  magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Waxaana wasiiradaas ay kala yihiin Wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka amniga dowladda Soomaaliya iyo wafdi ay hogaaminayaan.

Waxaana ay sababta halkaasi ugareen ay tahay sidii loo dadejin lahaa dhismaha caasimadda maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Wasiirada ayaa waxaa ay Kulamo la qaateen maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxaana dhowaan degmadaasi loo magacaabay in ay tahay caasimadda maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.