Mas’uuliyiinta dalka Faransiiska ayaa laba gabdhood ku eedeeyay maleegidda weerar la mid ah kii bishii Nofembar ka dhacay Bataclan oo ah goob uu ka socday bandhig faneed.
Gabdhaha ayaa farriimo ku saasban weerarkaasi waxa ay isku dhaafsanayeen bogga xiriirka bulshada ee Facebook, hase yeeshee dacwad oogayaasha dalkaasi ayaa sheegaya in qorshaha weerarkani uu marayay marxalad billow ah, oo aan laga helin gabdhahan hub iyo waxyaabaha qarxa intaba.
Gabdhahani ayaa kaddib markii su’aallo la weydiiyay la sii daayay iyaga oo aan la maxkamadeyn.