Degmada Baraawe oo gaajo darteed loogu dhintay

Wararka ka imaanaya degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in hooyo uur leh ay ugu dhimmatay degmadaas gaajo kaddib abaaro ba’an oo ku dhuftay guud ahaan gobalka.

Guddoomiye ku xigeenka gobalka Shabeellaha Hoose ee dhinaca amniga Cali Nuur Maxamed ayaa Idaacadda VOA u sheegay in gobalka oo ka mid ah labada gobol ee ugu wax soo saarka badan dhinaca beeraha ee Soomaaliya in ay soo wajahday cilado xagga wabiga kaddib markii uu guray.

Wuxaana dhanka kale uu tilmaamay in arrintaas ay keentay in hooyo uur leh ay gaajo ugu dhimmatay tuulada Ambareeso oo hoos timaada degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wuxuu sheegay in ciidamada ku sugan Baraawe ay gurmad u fidiyeen qoysaskan halista ku jira balse loo baahan yahay gargaar caalami ah.

Guddoomiye ku xigeenka gobalka Shabeelleha Hoose ayaa ka digay haddii aan deg deg degmadan loogu soo gurman in ay halis ugu jiraan dad kale oo hor leh in ay gaajada u dhintaan.

Wuxuu sheegay in 30 qoys oo isla deegaankaas deggannaa ay khatar ugu jiraan xaaladdan oo kale ee hooyada uurka leh u dhimmatay.