Tababare Zinedine Zidane ayaa qirta inuusan wax fikrad ah ka haysan hadii uu xili ciyaareedka danbe sii ahaan doono tababaraha Kooxda Real Madrid.
Xidigii hore ee qaranka France ayaa shaqada Real ka badalay Rafael Benitez, waxana uu sheegay inuusan wax aragti ah ka haysan hadii uu xilkaas sii hayn doono Xili ciyaaredka danbe.
Saxaafada ayaa weydiisay cida ay noqon doonaan bartilmaameedkiisa xili ciyaareedka danbe hase ahaatee waxaa uu ku jawaabay ” Xili ciyaareedka danbe iyo suuqa kala iibsiga? Ma ogi xataa hadii aan xili ciyaareedka danbe halkan sii joogayo, marka sideen ku ogaanayaa doorkeyga Suuqa kala iibsiga ee xili ciyaareedka
Real Madrid ayaa 12 dhibcood ka hooseysa kooxda hogaanka horyaalka haysa ee Barcelona, inkastoo ay fursad weyn ka haystaan tartanka CHampions League-ka oo ay usoo baxeen wareegiisa sideed dhamaadka.
Tababaraha oo ka hadlaya qorshaha Real Madrid ee xili ciyaareedka danbe iyo Suuqa kala iibsiga ayui yiri “Waxaa jira hadalo badan oo ku aadan ciyaaryahanada, waana wax iska caadi ah, laakiin waxan doonayaa inaan haatan diirada saaro kulanka xiga.”
Madrid ayaa 2-0 kusoo badisay kulankii Champions League ee Roma, waxaana ay ahayd guushii sedexaad oo isku xigta, 43 jirka Zidane ayaana sheegay inuu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedka kooxdiisa.
“Waxaa qasab ah inaan ka fakarno horey usocod, maxaa yeelay dhamaan kulamada waxaa ay noqonayaan kuwa adag, waxaanse ku jirnaa xili wanaagsan, laakiin tas micno malahan, waxaan ubaahanahay inaan ka fakarno qaab ciyaareedkeena oo aan isku diyaarino kulanka xiga.
Macalin Zidane ayaa ka hadlay in weeraryahankiisa Benzema loo ogolaaday inuu usafan karo qaranka France koobka Euro 2016-ka, kadib markii ay maxkamada fasaxday.
“Waa run arinaas si weyn ayay usaameysay, waxaana ay ila tahay in qaranka France uu isaga ubaahan yahay Euro 2016-ka, waana uu ka war qabay in tan ay dhici doonto”ayuu yiri Zidane.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Benzema uu kasoo kabsaday dhaawacii uu qabay, hase ahaatee ay adag tahay inuu todobaadkan ciyaaro.
“Had iyo jeer waa wax wanaagsan Karim oo garoonka ku jira, waxaase xaaladiisa arki doonaa todbaadka danbe Isniinta ama Talaadada, laakiin waxaan rajeyneynaa inaan todobaadka danbe soo laabto.”ayuu yiri Zidane