Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee caasimada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan maamulkaasi ay xabsiga dhigeen fanaanka lagu magacaabo Farxaan Xidig oo ku sugnaa magaalada Hargeysa.
Ilo lagu kalsoonyahay oo ku sugan magaalada Hargeysa ayaa u xaqiijiyay idaacadda Risaala xariga loo geystay fanaanka Farxaan Xidig.
Ciidanka maamulka Somaliland ayaa xiray fanaanka sida ay kusoo waramayaan dadka ku sugan Hargeysa.


