DHAGEYSO: Xildhibaan Dalxa “Waa in la caawiyaa bulshada danta yar”

Gudoomiyaha Guddiga arimaha dibada  ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ugu baaqay Shacab Soomaaliyeed in ay caawiyaan dadka danta yar  ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga arimaha dibada ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la caawiyo bulshada danta-yar maadaam ay fooda nagu soo hayso munaasabada ciida.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in xildhibaanada  kale ee ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya loogu baahanyahay in ay caawiyaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay ku dadaalaan ka farxinta caruurta agoonta ah iyo sidoo kale dadka barakacayaasha ee ku sugan Soomaaliya.