Kulanka Copa del Rey ee Isbaanishka laga ciyaaro ayaa caawa dhacaya, iyadoo Real Madrid ay ku martigelineyso kooxda Barcelona Santiago Bernabeu lugta labaad ee semi-finalka.
Tani waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee laba kulan oo El Classicos la qorsheeyo inay dhacaan todobaad gudihiis, iyadoo Real Madrid ay mar kale ay marti galin doonto kooxda ay xafiiltamaan kulan katirsn La Liga.
Los Blancos ayaa faa’iido weyn ka heshay kooxda ay xafiiltamaan ka dib markii Lucas Vazquez uu shabaqa soo taabtay kulankii Camp Nou.
Santiago Solari iyo kooxdiisa ayaa doonaya inay ku guuleystaan, kulankaan maadaama ay ka rajo fiican yihiin kooxa Barcelona.
Real Madrid ayaa ah kooxdii ugu danbeysay ee ku guuleysatay Copa del Rey markii ugu dmabeysya oo ay labada koox kulmaan.
Lionel Messi ayaa ku soo laaban doona line-upka ka dib markii xiddiga reer Argentine uu keydka kusoo bilowday kulankii ugu dambeysay ee Barcelona.
Ernesto Valverde iyo kooxdiisa ayaa doonaya inay noqdaan kooxdii ugu horeysay ee si xiriir ah ugu guuleysata Copa Del Reys tan iyo Real Madrid oo sidaas sameysay intii u dhaxeysay (1905-1908) iyo Athletic Bilbao (1930-1933)
Ogeysiiska Ciyaarta
Tartanka Copa del Rey
Real Madrid VS FC Barcelona
Sacada Geeska Afrika 11:00 Habeenimo
Garoonka Santiago Bernabéu
Garsoraha jose Sanchez
Maxaa Ka cusub labada koox
Real Madrid ma heysato dhaawacyo cusub oo ay ka walwalaan kulankaan, si kastaba ha ahaatee, Marcus Llorente iyo Isco ayaa maqan.
Sergio Ramos ayaa ku soo laabanaya garoomada ka dib markii uu seegay kulankoodii ugu dambeeyey koxodiisa.
Barcelona ayaa waxaa ka maqnaan doona ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Arthur Melo, halka Samuel Umtiti, uu so laabtay ciyaartii Sevilla, waxaana la filayaa inuu kursiga keydka kusoo bilowdo.
Lionel Messi ayaa ku soo laaban doona line-upka kooxda Blaugrana.



