Falanqeynta Juventus vs Napoli”Labada koox oo Horyaalka Rajo ka leh

Difaacdayaasha Juventus ayaa soo dhaweynaysa kooxda horyaalka hogaamineysa ee Napoli Serie A,

Labada koox ayaa waxaa u dhaxeya farqi ah laba dhibcood ,waxaana Juventus ay raaadineysaa gusheedii 15-aad oo xiriir ah.

Napoli ayaaa dhankeeda Sideed kulan oo isku xigta ku badisay markii ugu horeysay tan iyo 1989/90.

XAQIIQOOYINKA CIYAARTA

Napoli, ayaa dhalisay 53 gool oo horyaalka ah –iyo  78 tartamada oo dhan ah,Waxay dhaliyay shan gool lix jeer xili ciyaredkan,waxaana kulankiiba uu yahay 2.2,

Kaliya weerarka Barcelona ee MSN-ayaa ka goolal badan Gonzalo Higuain, Lorenzo Insigne iyo Jose Callejon shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub.

Qiimeyn la sameeeyay sadexdan weerar waxay ka wanagsan yihiin rkuwa la tilmaamo inay yihiin weerarkii ugu fiicnaa ee Napoli sida Maradona, Bruno Giordano iyo Andrea Carnevale.

Higuain ayaa dhaliyay 24 gool 24 kulan ,waxaana uu jabiyay rikoorka 66 sano ka hor uu u dhigay Napoli Gunnar Nordahl kasoo ah ninka ugu goolasha badan Serie A.

Insigne ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub sanadkan tirooyinka laba gool ugu badan caawiye.

Callejon ayaa shabaqa taabanayay horyaalka ilaa bartamihii December, laakiin waxa uu haatan ku  lug leeyahay sagaal sideed kulan ee ugu danbeyay.

Taageerayaasha Juventus, waxaa jira walaac ay ka qabaan maqnaanshaha Giorgio Chiellini iyo Martin Caceres ,lakiin waxaa diyaar ah Daniele Rugani ,

Tababaraha Napoli Maurizio Sarri – ayaa is badel badan ku sameeyay shaxdiisa xili ciyaaredkan,waxaana hada uu ku ciyaaraa 3-5-2 oo ah tii uu guulaha badan ku sameeyay  Antonio Conte

SAFKA MACQUULKA AH.

Juventus (3-5-2): Gigi Buffon; Daniele Rugani, Leonardo Bonucci, Andrea Barzagli; Stephan Lichtsteiner, Stefano Sturaro, Claudio Marchisio, Paul Pogba, Alex Sandro; Alvaro Morata, Paulo Dybala

DHAAWACA: Giorgio Chiellini, Mario Mandzukic, Kwadwo Asamoah, Martin Caceres and Rubinho (dhamaan dhawac)

Napoli: (4-3-3): Pepe Reina; Elseid Hysaj, Raul Albiol, Kalidou Koulibaly, Faouzi Ghoulam; Allan, Jorginho, Marek Hamsik; Jose Callejon, Gonzalo Higuain, Lorenzo Insigne