Falanqeynta Kulanka xiisaha leh ee Chelsea V Newsvastle

Ciyaaryahanka Gary Cahill ayaa rajeyneysa inuu badalo Kurt Zouma kulanka ay Chelsea ku marti gelin doonto Newcastle garoonkeeda Stamford Bridge.

Zouma ayaa dhaawac xoogan uu soo gaaray kulankii ay bar bardhaca ku kala baxeen Chelsea iyo Man United, waxaana uu maqnaan doonaa inta ka dhiman xili cyaareedkan, Cahill ayaana boos heli doona tan iyo kulamadii Boxing Day-ga.

Naadiga The Blues ayaan wax guuldaro ah la kulmin 8-dii kulan ee ugu danbeysasy hase ahaatee lix kamid ah kulamadaas ayay bar bardhac ku dhameysatay, waxaase ay ubaahan tahay iney ka badiso Newcastel.

Kooxda lagu naaneyso Magpies ayaa dhibcaha ugu badan ka qaadatay Chelsea 13-kii kulan ee ugu danbeysay marka loo fiiriyo kooxaha kale, halka kulankii ugu danbeeyay ay Newcastel la hormartay labo gool, waase laga daba keenay.

Maxaa ka cusub labada Koox?

Cahillayaa daafaca dhexe kala ciyaari doona John Terry kadib dhaawacii Zouma, halka Diego Costa uu kulankan kasoo muuqan doono isagoo sanka ka jaban sida uu sheegay macalin GUUS Hidiink.

Ciyaaryahanada Loic Remy iyo Radamel Falcao ayaa dhaawac uga maqnaan doona kulankan, halka Alexandre Pato oo caafimaad qaba uusan ka muuqan doonin kulankan sida uu sheegay tababaraha Chelsea.

Dhanka Kooxda Newcastel waxaa dib ugu soo laabtay Jack Colback iyo Emmanuel Riviere .

Ma ogtahay?

11-kii kulan ee ugu danbeeyay ee dhexmaray Chelsea iyo Newcastle, kooxda macalin Hiddink ayaa ku guul dareystay iney ka badiso Kooxdan hadii aysan difaacan goosheeda, waxaana laga badiyay 4 kulan halka sedex kale ay bar bardhac galeen.

Ciyaaryahanka Papiss Cisse ayaa afar gool ka dhaliyay Chelsea shantii kulan ee ugu danbeeyay ee uu ka hor yimaado Chelsea.

Diego Costa ayaa dhaliyay lix gool 7-dii kulan ee ugu danbeeyay ee horyaalka uu kasoo muuqdo, xili 14-kii kulan ee ka horeeyay uu kaliya sedex gool dhaliyay.

Tababare Hiddink ayaa kaliya guul dareystay hal kulan oo kamid ah 21-kii kulan ee ugu danbeeyay ee uu maamulayay kooxda horyaalka Ingiriiska ka dhisan, isagoo badiyay 13 kulan, halka 7 kalana uu bar bar dhac galay, lagama badin kooxda uu hogaamiyo 16-kii kulan ee ugu danbeysay.

Chelsea ayaa dhanka kale aanan guuleysan afartii kulan ee ugu danbeeyay ee uusan kusoo bilaaban ciyaryahanka Zouma xili ciyaareedkan, labana waa laga badiyay labana bar bardhac ayay galeen 10 gool-na waa laga dhaliyay.

Tababare McClaren ayaa aruursaday kaliya hal kulan oo guul ah iyo 7 dhibcood 11 kii kulan ee uu ka hor yimid Chelsea isagoo tababare ah (Hal Guul, 4 bar bardhac ah iyo 6 guuldaro ah) -marka uu Chelsea ka badiyay ayaa ahayd sanadkii bishii Febuary ee sanadkii 2006-dii markaas uu  Middlesbrough kuhogaamiyay iney Chelsea ku garaacdo 3-0

Shaxda Macquulka ah ee Chelsea:
Courtois; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Mikel, Fabregas, Willian, Oscar, Hazard; Costa

Shaxda Macquulka ah ee Newcastle:
Elliot; Janmaat, Taylor, Coloccini, Aarons; Shelvey, Colback, Sissoko, Wijnaldum, Townsend; Mitrovic