Faahfaahinta Gaadiid xamuul ah oo lagu gubay Shabeellaha Hoose

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan gaadiid Xamuul ah oo lagu gubay gobolka Shabeellaha Hoose, islamarkaana dadka degaanka ay sheegeen in ay gubeen Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab.

Falkaan ayaa ka dhacay degaanka Doonka oo ku yaalla duleedka degmada Afgooye, waxaana la sheegay in gaadiidkaan ay sideen dhuxul, islamarkaana ay joojiyeen Ciidamo ka tirsan Shabaab ka dibna ay dabqabadsiiyeen.

Mas’uuliyiinta maamulka Shabeellaha Hoose oo Risaala la xariirtay ayaa xaqiijiyay in falkaan uu jiro ayna waddaan baaritaano markuu ay soo dhamaayeena ay warbaahinta la hadli doonaan.

Goobta falku ka dhacay waxaa tagay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay in ay goobta kasoo qaadeen dadkii la socday gawaaridda.

Lama Ogga Sababta ka dambeysay in Gaadiidkaan oo tiradoodo dhan tahay 7 in la gubo, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan eedeynta ay u soo jeediyeen qaar ka mid ah Darawaladii waday gawaarida la gubay.