Al-Shabaab ayaa xalay weerar khasaaro badan dhaliyay ku qaaday deegaanka Laanta-Buuro oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.
Dagaalka oo socday muddo ayaa lagu soo qaaday saldhig ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Laanta-buuro ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Wali lama xaqiijin karo khasaaraha dhabtaa ee ka dhashay weerarkaasi,laakiin Al-Shabaab ayaa dhankooda sheegtay in ay dileen askar badan oo ka tirsan ciidanka dowladda Soomaaliya ,islamarkaana dagaalkaasi ay ku furteen hub iyo Gawaari dagaal.
Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay iska celiyeen dagaalyahanadii weerarka soo qaaday.
Wali lama hayo xog sax ah oo muujinya khasaaraha dhabtaa ee labada dhinac.


