Wariyeyaasha ka howlgala deegaanada maamulka Puntland ayaa maanta lagu wadaa in ay dacwad ka gudbiyaan wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soo Cade .
Wasiirka ayaa dhawaan hanjabaad u diray wariyeyaasha ka howlgala Puntland,waxaa uuna sheegay hadii ay tabiyaan wararka mucaaradka Puntland in ay layn doonaan wariyeyaasha ka ka howlgala deegaanada maamulka Puntland.
Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland ee magaciisa loo soo gaabiyo MAP Faysal Khaliif Bare ayaa sheegay in maanta dacwad ka dhan ah Wasiir Soo Cadde ay u gudbin doonaan maxkamadda Puntland oo ku taala magaalada Garoowe.
Faysal Khaliif Bare ayaa sidoo kale sheegay in wasiir wasaarada warfaafinta Puntland uu jabiyay dastuurka Puntland madaam uu wariyeyaasha ugu hanjabay in uu dili doono.


