Faahfaahin Weerar xalay ka dhacay Mandera

Inta la xaqiijiyay 4 Qof ayaa ku dhimatay tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen weerar koox dableey ah ay ka geysteen magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.

Saraakiisha Booliska dalka kenya ayaa sheegay in dabley looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ay xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen xaafado ay degganaayeen dad ka soo jeeda gobolada kale ee dalka Kenya oo aan Soomaali ahayn.

Magaalada Mandera ayaa laga maqlay ku dhawaad 5 Qarax oo waa weyn , kuwaa soo cabsi weyn ku abuuray dadka shacabka ah ee kunool degmada Mandera.

Taliyaha Ciidanka Booliska Mandera Job Boronjo ayaa saaka aroortii hore u sheegay wargeyska Daily Nation ee dalka Kenya in ay  xalay kusoo rogeen magaalada Bandow ka dib Qaraxyo  iyo sidoo kale rasaaas laga maqlay xaafado Ka mid ah degmada Mandera.

Ciidanka ammaanka dalka Kenya ayaa saaka Mandera ka wadda howgallo xoogan oo ay ku baadigoobayaan kooxihii ka dambeeyay weerarka xalay lagu qaaday degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar noocan ah ku soo qaaday degmada Mandera, tan iyo markii ciidamada dalka Kenya ay soo galeen xadka Soomaaliya sanadkii 2011.