Laamaha amniga dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay ku raad joogaan kooxihii ka dambeeyay dil xalay degmada Waaberi loogu geystay sarkaal ka tirsanaa hay’adda Nabad sugidda Soomaaliya.
Afhayeenka laamaha amniga dowladda Soomaaliya Cabdikaamil Macalin Shukri oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in ciidanka dowladda Soomaaliya ay wadaan baaritaano kala duwan oo lagu baadigoobaayo kooxihii ka dambeeyay dilka sarkaalkaasi.
Kooxo Bistoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Waaberi Gaashaanle Dhexe C/casiis Caraaye oo ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya.
Mas’uuliyadda dilkaasina waxaa sheegtay ururka Al-Shabaab.


