Faahfaahin tahriibayaal lagu la’yahay badda

Tahriibayaal isku jira Soomaali iyo Sudanese ayaa lagu la’yahay badda u dhaxeysa dalalka Talyaaniga iyo Masar.

Wararka ayaa sheegay in tahriibayaasha  oo ka baxay xeebaha dalka Masar muddo dhan 15 maalmood ay ku maqan yihiin biyaha,islamarkaana aan laga heynin wax war dhimasho iyo nolal intaba.

Qaar ka mid ah waalidiinta Tahriibayaasha oo la hadlay wakaalada wararka Soomaaliyeed SONNA ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan in caruurtooda ay doonido la degtay.

Doontaan oo ka baxday xeebaha Masar ayaa waxaa saarnaa ilaa iyo 390-ruux oo Soomaali ah sida  aan kasoo xiganay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Saraakiisha amniga Xeebaha dalka Masar ayaa dhawaan xiray ku dhawaad 50 qof oo Soomaaliyed kuwasoo isku diyaarinayey in ay tahriib u baxaan.

Dhawaan ayaa xeebaha u dhexeeya dalalka Masar iyo Talyaaniga waxaa ku dhintay ku dhawaad 400 oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah.