Faahfaahin Qaraxii caawa ka dhacay Masjid ku yalla Beledweyne

Qarax ayaa caawa xilligii Salaada cisha ka dhacay Masaajid ku yaalala xafada Howlwadag ee Magaalada Baledweyne ee Gobolka Hiiraan Gaar ahaan laanta siigaaloow xilligaas oo lagu Tukanayay Salaadii Cishaha Masaajidka.

Qaraxa ayaa waxa uu Sababay 2 ruux oo Dhimasho iyo 12 ruux oo Dhaawac kuwasoo ahaa dadkii Masaajidka ku Cibaadeysanayay.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya  Qaraxa iyo Waxa uu ka dhashay, dadka qaar ay sheegaya in Qaraxu uu ahaa walxo  Masaajidka gudihiisa lagu diyaarinayay oo Qarxay halka Warar kale ay sheegayaan in Qaraxu uu ahaa Bambo gacmeed lagu soo tuuray Masaajidka gudihiisa.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa la geeyey isbitaalka magaalada Beledweyne. Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysa qaraxan iyo sababta masjidka loola eegtay.

habeenki Isniinta soo gelaysay ayey ahayd markii nin ganacsade ahaa oo caan ka ahaa Degmada Hiliwaa lagu dilay Masaajid ku yaalla Garguurte gudihiisa taas oo dad badan la yaab ku noqotay in qof masaajid ku dihiisa lagu dilo.