DHAGEYSO: Axmed Siilaanyo “halaga qeyb qaato abaaraha Soomaaliland”

Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka hadlay abaaraha ka jira Soomaaliland.

Waxaana uu sheegay ilaa iyo hadagurmadkii la soo gaarsiiyay dadka ay abaaraha saameeyeen in aysan ku filneyn.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay dadka ay abaaraha saameeyeen in lala soo gaaro gurmad dheeraad ah.

Deegaanada Soomaaliland iyo Puntland ayaa maalmihii udambeeyay waxaa laga soo sheegayay abaaro aad u daran, waxaana shacabka halkaasi ku nool ay ku dadaalayaan sidii loo caawin lahaa dadka ay abaaraha saameeyeen.