Faah faahin Shil Gaari oo ka Dhacay Deegaanka Siinka-dheer

Siinka-dheer-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Duleedka Magaalada Muqdisho gaar ahaan Deegaanka Siinka-dheer ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maanta uu ka dhacay shil Gaari oo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii ay isku dhaceen Mooto Bajaaj iyo Gaari nuuciisu yahay SURF.

Inta la xaqiijiyay Labo Qof ayaa ku geeryootey shilkan Gaari halka sidoo kalena Saddexda kalena ay ku dhaawacmeen, sida Idaacadda Risaala ay u sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

Saddexda Qof ee ku dhaawacantay shilkan ayaa waxaa loo soo qaaday isbitaalada ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana dadkii ku dhaawacmay shilkan xaaladooda ay tahay mid aad u adag maadaama Gaariga SURF-ka ah uu si xoogan ku soo galay Mooto Bajaajta.

Maamulka Deegaanka Siinka-dheer ee Duleedka Magaalada Muqdisho oo goobta shilka uu ka dhacay gaaray ayaa sheegay in ay wadaan qorshe lagu yareynayo shilalka ka dhaca Deegaanka Siinka-dheer, maadaama inta badan halkaasi ay ka dhacaan shilal.