J/Hoose-RisaalaFM- Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa weli waxa ay Howlgallo ka wadaan Deegaanada Jubbaland gaar ahaan Deegaanada Gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha ayaa sheegay Howlgalkan in uu yahay mid loogu tala galay Al-shabaab in looga saaro Deegaanada Jubbaland.
General Ismaaciil Saxardiid oo ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Deegaanada Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Howlgalkan in uu yahay sida uu u bilowday lana doonayo in Shabaab looga saaro Deegaanada Jubbaland.
Deegaano qiyaastii 60 ilaa 50-KM dhinaca Koonfur Galbeed iyo Galbeedka Magaalada Kismaayo kaga beegan ayay ciidanka si nabad ah kula wareegeen, waxaana ay ku wajahan yihiin Deegaano kale oo hoostaga Magaalada Kismaayo Sida Saraakiisha Dowladdu ay sheegeen.


