DHAGEYSO: Xiisad ka taagan Marko

Marko-RisaalaFM- Xiisado u dhaxeeya labo Maleeshiyo Beeleed ayaa ka taagan Magaalada Marko ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.

Xiisadahan ayaa ah kuwo ku soo laab laabtay Gobolka Shabeelaha Hoose, Waxaana dadka Deegaanka ay ka cabsi qabaan in markale Maleeshiyaadkan ay  halkaasi ku dagaalamaan.

Maxamed c/kariin oo ka mid ah Waxgaradka Magaalada Marka oo la soo xiriiray Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa ka digay in markale ay Dagaalo ka dhacaan Magaalada, isagoo sidoo kale fariin u diray dhinacyada ay haatan colaada u dhaxeyso.

Dagaa beeleedyada u dhaxeeya Maleeshiyaadka hubeysan ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay ka dhaceen Magaalada Marko, waxaana ay sababeen dhimashada dad badan.