Masuuliyiinta magaalada Orlando ee dalka Maraykanka ayaa bixinaya faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan weerarkii kalaabka ka dhacay ee ay ku dhinteen 49 ruux.
Omar Mateen oo hubaysan ayaa rasaas ku furay kalaabka saacadihii hore ee subaxnimadii Axaddii, halkaas oo uu ka dhacay rasaasayntii ugu xumayd ee soo marta taariikhda dambe ee dalka Maraykanka, waxaana ku dhaawacmay 53 ruux.
Taliyaha booliiska John Mina ayaa sheegay in askari aan shaqada ku jirin markaas balse kalaabka ka hawlgala uu Mateen rasaas waydaarsaday.
Intaas kaddib ayay booliis badani yimaadeen goobta ninka laga shakisanyahayna rasaasta ayuuna sii waday.
Waxay ku qasbeen in uu dib ugu gurto dhinaca suuliga halkaas oo uu la haysteyaal ku haystay sida uu sheegay Mina.
Intii arrintaas ay dhacdayna waxaa suurtagashay in lahaysteyaal badani ay baxsadaan


