Sida Idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho ay wararaka ku heleyso waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ka degay ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.
Nicholas Heysom ayaa la sheegayaa in uu kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas oo kusoo dhaweeyay aqalka looga arrimiyo maamulkaasi waxa ayna ka wada hadleen sidii loo xalin lahaa qilaafka xoogan ee dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada u dhexeeyo.
Sidaas si lamid ah waxa ay isla soo hadal qaadeen colaaddda maamulka Puntland iyo Somaliland ku dhexmartay Tukaraq welina ay isku hor fadhiyaan dagaalyahanada labbad dhinac.
Erygayga gaarka ah ee Qaramada Midoowe u qaabilsan Soomaaliya Mr Heysom ayaa kol sii horeysay kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira oo badi la filaayo in dhawaanahaan ay doorasho galaan marka laga reebo maamulka Hirshabeelle.