Manchester United ayaa heli karta difaaceeda Eric Bailly kulanka ay Sabtida la ciyaari doonaan kooxda Tottenham Hotspur ee horyaalka Premier League.
23-sano jirkaan ayaa ka maqnaa kooxdiisa Man United kaddib markii uu ku dhaawacmay waajibaadka xulkiisa qaranka.
Xiddigan reer Ivorian ayaa seegay kulamadii ay kooxdiisu la dheeshay Liverpool, Benfica iyo Huddersfield Town, halka sidoo kale uusan qeyb ka ahayn shaxdii u safartay naadiga Swansea City tartanka EFL Cup Talaadadii.
Bailly ayaa lagu sawiray saakay oo Khamiis ah tababarka kooxdiia, waxaana taasi ay ka dhigan tahay inuu dib u soo laaban karo kulanka Sabtida ee horyaalka oo ay la dheeli doonaan Tottenham, kuwaasoo farqiga goolasha kaliya kaga sarreeya Premier League.
Man United waxa ay soo dhaweynaysaa Tottenham oo ay isku dhibco yihiin horyaalka Premier League galabta Sabtida ah.
Phil Jones ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulanka Spurs dib ugu soo laaban doono safka hore ee Man United kaddib markii uu kursiga keydka fadhiyey kulankii ay Swansea kula dheeleen Liberty Stadium.



