Dagaal culus oo u dhaxeeyay Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa maanta waxa uu ka dhacay degaanada Gacmafuule, Cali Waal iyo Godad oo dhammaantood dhaca Bariga Gobolka Mudug.
Duqa magaalada Gaalkacyo Yuusuf Xirsi Bare ee dhanka Galmudug oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaalka Bariga Gobolka Mudug, wuxuuna sheegay ka maamul ahaan in ay wax ka qaban doonaan colaadahan.


