Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay Eden Hazard ka dhigto ciyaaryahanka ugu mushaarka badan horyaalka England Premier League, laakiin waa haddii uu dhabarka xijiyo kooxda Real Madrid.
Kooxda difaacaneysa koobka horyaalka England Premier League ayaa wadahadallo la furtay xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium, waxayna diyaar u tahay Chelsea inay mushaar ahaan u siiso 320 kun oo ginni haddii uu ku gacan seyro kooxda ka dhisan dalka Spain.
26 sanno jirkaan Hazard ayaa wuxuu muhiim u ahaa kooxdii tababare Antonio Conte ee ku guuleysatay koobka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkaan waana markiisii labaad ee uu koobkaan hanto.
Hazard qandaraaskiisa haatan ee Chelsea waxaa ka dhimman seddax sanno wuxuuna Isbuucii mushaar ahaan u qaataa 200 kun oo ginni, laakiin Chelsea ayaa diyaar u ah inay mushaar ahaan u siiso 320 kun oo ginni haddii uu saxiixayo qandaraas cusub oo muddo dheer ah oo wixii ka dambeeya xilli ciyaareedka soo aadan uu kusii ahaan doono Galbeedka London.
Sidaas ayuuna ku noqon doonaa xiddiga ugu mushaarka badan horyaalka Premier League, isagoo dhaafi doona Paul Pogba oo Isbuucii mushaar ahaan 290 kun oo ginni uga qaata kooxdiisa Manchester United.



