Dhageystayaasha Risaala oo dhaqaale ku bixinaya Barnaamijka Afuri “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Barnaamijka Afuri oo hel Laba Ajir oo si toos ah ay ugu xirmeen Bulsha weynta Soomaaliyeed ayaa ka socda xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala Muqdisho.

Barnaamijkan ayaa waxa uu yahay mid ay dhaqaale ku bixinayaan dhammaan saaxiibada ku xiran Risaala, kuwaasi oo la gaarsiiinayo shacabka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Duleedka Muqdisho, halkaai oo ay Afur la’aan ku heyso, maalin walbana sooma inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Barnaamijka Afuri oo hel Laba Ajir ayaa waxaa maskaxdooda ay ka soo maaxatay Maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda Risaala, si loo caawiyo dadka masaakiinta ee aan iska bixin karin Afurka.

Wajiga koowaad ee Barnaamijkan ayaa waxaa lagu afuriyay 50 Qoys, kuwaasi oo ahaa kuwa ugu danta yar ee ku nool Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Dhanka kale Barnaamijkan waxaa ku dhex baxa Tartanka Qur’aan Akhriska caruurta Barakacayaasha, kaasi oo caruurta kaalmaha hore ka gala Tartankan ay Abaalmarin doonto shirkadda Cad-ceed Group.

 

DSC_1177

DSC_1181

DSC_1178

DSC_1179