Diyaarado dagaal oo loo maleynayo in laga leeyahay dalka Kenya ayaa Maanta duqeyn ka geystay degaano hoos yimaada Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Wararka ayaa sheegaya in duqeynta loo geystay saldhig Al-Shabaab ku leeyihiin deegaano u dhow degmada Baardheere, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ay geysteen.
Dad ku dhaawacmay duqeyntaasi oo dhaawacyo ah ayaa la geeyay Isbitaalka Magaalada Baardheere.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab iyo Kenya oo ku saabsan duqeyntaan.
, ma ahan markii u horeysay ee diyaaradaha dagaalka Kenya duqeyn ka geystaan Jubooyinka iyo Gedo.



