Dowladda Talyaaniga oo Soomaaliya ka taageerayso amaanka & bini’aadannimada

Dowlada Talyaaniga ayaa ku dhawaaqday iney kordhin doonto taageerada ay siineyso dowlada Soomaaliya ee ku saleysan dhanka amaanka iyo nabad galyada dalka Soomaaliya.

Wasiirka arimaha dibada Talyaaniga oo ka qeyb galay shirka ka furmay shalay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa sheegay in dowladiisa ay garab taagan tahay Soomaalida, wuxuuna ku dhawaaqay taageero cusub oo dowlada Soomaaliya ay siinayaan.

Paolo Gentiloni, wasiirka arimaha dibada Talyaaniga oo ka hadlay shirka ka furmay Istanbul ayaa sheegay in nabad galyada Soomaaliya ay ku imaaneyso in taageerada caalamka ay noqoto mid joogto ah.

Wasiirka ayaa ku amaanay dowlada Soomaaliya dadaalada ay u gashay hergelinta nidaamka federaalka, wuxuuna sheegay in muhiim ay tahay in la sii wado dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha DHexe.

Sidoo kale wuxuu dowlada Soomaaliya ku amaanay dadaalka ay u gashay wadahalka kala dhaxeeya maamulka Somaliland, isaga oo ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadalkaasi.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya ay ka taageeri doonaan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, ayna ka qeyb qaadan doonaan dhismaha iyo qalabeynta ciidamada xooga dalka Soomaaliya.