Erdogan “muhiimada koowaad ee sanadkan waa doorasho dhacdo Soomaaliya”

Dowlada Turkiga ayaa sheegtay iney sii wadi doonto taageerada arimaha bini’aadanimada oo ay siineyso shacabka Soomaaliyeed iyo dowlada Soomaaliya, si loo helo nabad galyo iyo xasilooni buuxda.

“Soomaaliya waxay noqotay calaamad muujisa  aragtida Turkiga ee qaaradda Afrika , waxaan doonayaa in la dhiso hab  walaaltinimada leh  oo lagu taageerayo dalalka kale ee Afrika,” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sidoo kale bulshada caalamka ugu baaqay iney maalgashi dheeraad ah ku sameeyaan dalka Soomaaliya, si loosoo celiyo kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Erdogan oo ka hadlayay safarkii uu sanadkii 2011 ku yimid dalka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu ahaa mid soo celiyay rajadii ay lahaayeen Soomaalida, iyadoo kadibna dadaalo caalami ah lagu bixiyay arimaha Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale madaxweyne Erdogan soo hadal qaaday muhiimada koowaad ee siyaasada Soomaaliya oo ku sheegay iney tahay In doorasho ka dhacdo sanadkaan dalka Soomaaliya, isaga oo ka hadlay caqabadaha heysta dowlada Soomaaliya oo ay ugu horeyso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isna ka hadlay shirka shalay ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ayaa u mahad celiyay dowlada Turkiga, wuxuuna ka dalbaday caalamka in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.