Dowladda Soomaaliya “Sarkaal Shabaab ah ayaan dilnay”

Buulaburde-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa galinkii dambe ee maanta howlgal ka sameeyay deegaan qiyaastii dhinaca Bari kaga beegan magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Waxaana Saraakiisha dowladda ay sheegeen  halkaasi ay ku dileen illaa 6 ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Axmed Maxamed Muuse oo hoggaaminayay howlgalka ayaa wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in lagu dilay howlgalka sarkaal lagu magacaabo Jiiroow Cismaan Cali.

Sidoo Kale Axmed Maxamed ayaa sheegay in ciidamada howlgalka fuliyay uu mid ka mid ah ka geeriyooday halka laba kalana ay ka dhaawacmeen.

Ciidamada dowladda ayaa waxa ay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab waxa ay ka wadaan gobolada dalka.