Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay Somaliland

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniintii ugu dambeysay u dirtay hoggaanka Maamulka Somaliland oo lagu Eedeyey in ay ka dambeeyaan carqaladeenta diyaaradaha isticmaalaya hawada Soomaaliya.

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in marar badan la marin habaabiye diyaarado isticmaalayay ama marayay hawada sare ee degaanada Gobolada Waqooyi.