Saldhigii ugu waynaa Al-Shabaab ee Degaanka Cali Yabaal oo la burburiyay

Ciidanka xoogga dalka iyo ciidamadda degaanka ee Macawiisleyda ayaa Weerar dhowr jiho ah ku qaaday saldhig Ururka Al-Shabaab ku lahaah3en dhul howd ah oo u dhaw Degaanka Cali Yabaal oo hoostago Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud.

Dagaal xoogan ayaa ka dhacay Deegaanka Cali Yabaal waxaana Ciidamadda Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Degaanka si rasmi ah gacanta ugu dhigeen goobahii Al-Shabaab saldhiga u aheyd.

Sida ay Warbaahinta Ciidamadda u sheegeen Saraakiisha Ciidnka Xoogga Dalka dagaalka oo bilaawday saakay aroortii ayaa ilaa iyo hadda socda,waxaana saraakiisha Cidamada ay sheegeen in dagaalka  khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Ciidamadda Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreeynta Degaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud ayaa maalin walba baadi-gooba xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee ku sugan dhulka howdka ah.