DHAGEYSO: Masar oo qabatay Tahriibayaal

Dowladda Masar ayaa sheegtay in ay qabatay muhaajiriin tiradood lagu qiyaasay ku dhawaad 150 qof kuwaa soo doonaayay in ay ka baxaan xeebaha dalka Masar ayna u jaheystaan dalka Talyaaniga sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka Badda ee dowladda Masar.

Tahriibayaasha ayaa la sheegay in ay ka shiraacdeen xeebaha magaalada Aleskandariya ee dalka Masar ayna saarnaayeen laba doomood oo aad u yar yar.

Dowladda Masar ayaa sheegay Tahriibayaasha ay kasoo kala jeedaan dalalka Soomaaliya, Itoobiya, Falastiin iyo Suudan.

Afhayeenka Ciidanka Badda ee dowladda Masar ayaa sheegay in xabsiga la dhigay dadkaasi ayna dib ugu soo celin doonaan dalalkii ay ka yimaadeen.