Ciidanka Midowga Afrika AMISOM ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan magaalada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Afhayeenka ciidanka Midowga Afrika AMISOM oo la hadlay wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay si buuxda gacanta ku hayaan Marka.
Wuxuu sheegay in ammaanka magaalada uu yahay mid wanaagsan, wuxuu meesha ka saaray wararka sheegaya in Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan xaafado ka mid ah magaalada Marka.
Afhayeenka AMISOM Joe Kibet ayaa carabka ku adkeeyay in amniga magaalada uu yahay mid wanaagsan.


