Dowladda Kenya oo war kasoo saartay go’aankii dowladda Soomaaliya

Kenya's President Uhuru Kenyatta speaks during the state funeral of Kenya's former president Daniel arap Moi, at Nyayo Stadium in the capital Nairobi, Kenya Tuesday, Feb. 11, 2020. Daniel arap Moi, a former schoolteacher who became Kenya's longest-serving president and led the East African nation through years of repression and economic turmoil fueled by runaway corruption, died Tuesday, Feb 4, 2020, aged 95. (AP Photo/John Muchucha)

Wasaarada Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa ka hadashay soo celinta xiriirka diblumaasi ee labada dal Kenya iyo Soomaaliya oo ay dowlada Soomaaliya ku dhawaaqday maanta.

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in tallaabadan tahay  mid horumar ah ayna diyaar u tahay inay sii waddo xiriirka caadiga ah ee mas’uuliyiinta Soomaalida oo ay ka mid yihiin arrimaha ganacsiga, isgaarsiinta, gaadiidka, xiriirka dadka iyo is-dhaafsiga dhaqanka.

Dowlada Kenya ayaa uga mahadcelisay dowlada Qatar dadaalka ay u gashay in xiriirka labada dal uu dib u soo laabto.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxay qireysaa taageerada joogtada ah ee ay ka heshay beesha caalamka, gaar ahaanna dowladda Qadar, dadaallada lagu doonayo in lagu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya,” ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay soo saartay maanta wasaarada Arrimaha Dibbada Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday wax yar kadib markii Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta wuxuu ka helay dhambaal Amiirka al Thani oo loo sii mariyay ergeygiisa gaarka ah Mutlaq bin Majed al Qahtani.