Doorashada laba kursi oo Maanta dhaceysa

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu wadaa in maanta Magaalada Jowhar ay ku qabtaan doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

labada kursi oo jadwalkooda kal hore la soo saaray ayaa dib u dhacday doorashadooda sababo la xiriira muran kajiray soo xulista Ergada & Odayaasha Dhaqanka balse la xaliyay, waxaana labada kursi ee Maanta la dooranayo & Musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.

1: Hop#024 oo uu ku fadhiyay Cabduqaadir Carabow Ibrahaim, balse la reebay, waxaana ku tartamaya Maanta,  Maxamed Axmed Maxamed (Beereey),  Yuusuf Mahamed Cabdi iyo  Bashiir Macalin Cali Xassan

2: Kursiga Hop#106 oo ay ku fadhiday Mina Shibis ayaa waxaa Maanta ku tartamaya Ismaaciil Xaadoole oo dhowr jeer Guddoomiye kasoo noqday degmada Balcad,  Shadoor Xaaji iyo musharrixiin kale.

Dooraashada kuraasta taalla Magaalada Jowhar ayaa geba-gabo ah, waxaana harsan kaliya Saddex kursi oo kala ah laba kursi oo ay ku kala fadhiyaan Wasiirkii hore ee Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale & Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Rooble Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo kursigii ay ka geeriyootay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.