Sida ay baahiyeen Warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab Diyaarad Nuuca Duuliye la’aanta ah ay ku soo dhacday Deegaanka Qudus oo qiyaastii 45 KM dhanka galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigeen diyaarad Drone ah tasoo kusoo dhacday deegaanka Qudus oo ka tirsan gobolka gobolka Jubadda Hoose.
Waxay Shabaab ku sheegeen baraha ay wararka ku faafiyaan in diyaaradan laga leeyahay dalka Mareykanka ayna kusoo wargeliyeen dadka deegaanka markii ay diyaaradaasi soo dhacday.
Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay diyaarada ay ka furteen Kaamirooyin Casri ah oo ku xirnaa diyaardaasi.


