Difaac ka tirsan Chelsea oo qaba in hal ciyaaryahan oo keliya uu ka wanaagsan yahay Hazard

Eden Hazard waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay xiddigaha ugu halista badan ee kubadda la duulaan gala.

Waxaana Chelsea laacibkeeda sida caadiga ah lagu tiriyaa xiddigaha beddeli kara Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo marka ay faarujiyeen masraxa kubadda cagta oo ay awood sare ku lahaayeen 10-kii sano ee lasoo dhaafay.

Antonio Rudiger oo ay wadaagaan Hazard qolka lebiska ee Stamford Bridge ayaa sheegay in Lionel Messi oo qura uu ka fiicanyahay Captain-ka Belgium.

Difaaca reer Germany ayaa wareysi uu siiyay Daily Mail ku yiri: “Mbappe si aan la rumeysan karin ayaa uu xawaare dheerreeyaa, inaad joojiso waxaad ku sameyn kartaa keliya koox ahaan.

“Balse aniga ahaan, kan dunida(kubadda cagta) ugu wanaagsan waa Lionel Messi, ka dibne Eden Hazars” ayuu sheegay xiddiggii hore ee AS Roma.

Rudiger iyo Hazard ayaa dib ugu soo laaban doono Blues oo ay diyaar u wada noqon karaan kullanka Sabtiga ay marti soorayaan kooxda Cardiff City.