Qardho-RisaalaFM- Waxaa maanta markale dib u dhac uu ku yimid shirkii Isimadda Soomaaliyeed ee ka furmi lahaa magaalada Qardho.
Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa dhowaan ku dhawaaqay in shirkaas uu furmo, waxaana lagu waday in uu furmo maalin nimadii shalay, balse dib ayuu udhacay maanta ayaa sidoo kale la filayay in furmo iyadoo maantana uu dib udhacay markale.
Guddiga shirkaan oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay dib udhaca shirka in uu yahay Isimada shirka ka qeyb gali laheyd oo aan wali soo dhameystirmin.
Waxaa diyaarsan Madasha uu ku qabsoomi doono shirka, waxaana si her sare ah loo adkeeyay Amniga goobta iyo dhinacyadda farsamadda.
Taliyaha qeybta booliiska Karkaar ayaa sheegaya in isbedalo lagu sameynaayo amniga,islamarkaana amniga magaalada la adkeyn doono madaama uu shir uga furmayo dhaqanka Soomaaliyeed.


