Labada ciyaaryahan ee MLS ka ciyara ee Andrea Pirlo iyo Sebastian Giovinco ayaa labadoodaba laga saaray xulka Italy ee uu sida horudhaca u shaaciyay Antonio Conte kuwasoo ka qeyb galaya Euro 2016.
Labada ayaa laga saaray xerada tababarka Isbuucii lasoo dhaafay sabab la xiriirta kooxahooda New York City iyo Toronto,
Domenico Berardi oo katirsan Sassuolo iyo Sunderland ninka u ciyaara ee Fabio Borini, oo labadaba looga yeeray todobaadkii hore xulka, ayaa hadda laga saaray, inkastoo xiddiga Torino Marco Benassi uu yahay bedelka macquulka ah ee Claudio Marchisio iyo Marco Verratti.
Shaxda Xulka oo dhan
Goolhayayaasha: Gianluigi Buffon (Juventus), Federico Marchetti (Lazio), Salvatore Sirigu (Paris Saint-Germain)
Daafacyada: Davide Astori (Fiorentina), Andrea Barzagli (Juventus), Leonardo Bonucci (Juventus), Giorgio Chiellini (Juventus), Matteo Darmian (Manchester United), Mattia De Sciglio (AC Milan), Angelo Ogbonna (West Ham), Daniele Rugani (Juventus)
Khadka dhaxe: Marco Benassi (Torino), Federico Bernardeschi (Fiorentina), Giacomo Bonaventura (Milan), Antonio Candreva (Lazio), Daniele De Rossi (Roma), Stephan El Shaarawy (Roma), Alessandro Florenzi (Roma), Emanuele Giaccherini (Bologna), Jorge Luiz Jorginho (Napoli), Riccardo Montolivo (Milan), Thiago Motta (Paris Saint Germain), Marco Parolo (Lazio), Stefano Sturaro (Juventus), Davide Zappacosta (Torino)
Weerarka: Eder (Inter), Ciro Immobile (Torino), Lorenzo Insigne (Napoli), Graziano Pelle (Southampton), Simone Zaza (Juventus).


