Dib u dhac ku yimid Jadwalka Doorashooyinka M/Hirshabeelle

Wararka laga helaayo Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in dib u dhac uu ku yimid Jadwalka Doorashooyinka Maamulka Hirshabeelle oo ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Federaalka Dowladda Soomaaliya.

Dib udhaca jadwalka ku yimid ayaa loo sababeeyay arimo farsamo, waxaana la sheegay in dib laga soo saari doono jadwalka saxda ah ee lagu dhamaystiraayo dhismaha maamulka cusub ee Hirshabeelle.

Guddiga Doorashooyinka maamulka Hirshabeelle ayaa wada dadaallo lagu dhameystiraayo dhismaha maamulkaas, waxaana lagu wadaa in maanta in Magaalada Jowhar lagu doorto Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.