DHAGEYSO: Puntland oo ka hortimid Ciidanka loo dirayo Gaalkacyo

Garowe-RisaalaFM- Wasiirka Wasaarada Deegaanka ee Maamulka Puntland Cali C/llaahi Warsame ayaa ka soo horjeestay hadal dhawaan ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ee ahaa in Ciidamo la geynayo Magaalada Gaalkacyo oo ay ka jirto Colaad u dhaxeysa Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba aqbali doonin in Ciidamo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya la geeyo Magaalada Gaalkacyo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay hayaan Cadeymo muujinaya in Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay dagaalka ka soconaya Gaalkacyo islamarkaana ay taageereyso Maamulka Galmudug.

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Deegaanka ee Maamulka Puntland Cali C/llaahi Warsame ayaa beesha Caalamka ugu baaqay in ay soo fara geliso dagaalada ka soconaya Gaalkacyo.

Shalay ayay ahayd Markii Saraakiisha Ciidanka Puntland ay soo bandhigeen Ciidamo ay ku sheegeen in ay ku qabteen dagaal oo ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin Galmudug.