Dhulgariir cabbirkiisa lagu qiyaasay 7.3 halbeegga dhulgariirka ayaa ku dhuftay dhulka u dhaxeeya Iraan iyo Ciraaq.
Illaa afar boqol oo qof ayaa illaa hadda ku dhimatay masiibadan, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 7 kun qof.
Waa dhulgariirkii ugu dhimashada badnaa sanadkan ee adduunka ka dhaca.
Dadka intooda badan ayaa ku dhintay dhanka Iran, gaar ahaan gobolka Kermanshah, halkaas oo sidoo kale la bilaabay gurmad lagu baadi goobayo dad la la’yahay.
Dhulgariirka ayaa xitaa saameeyay magaalada Baqdad ee caasimadda Ciraaq ah, halkaas oo ay ku dhinteen illaa 9 qof.
Dad lagu qiyaasay 1.8 milyan oo qof ayaa ku nool agagaarka halka uu dhulgariirka ka dhacay.
Sanadkii 2003-dii ayuu dhulgariir ka dhacay magaalada taariikhiga ah ee Bam ee koonfurta Iran, halkaas oo ay ku dhinteen 26,000 qof.